SAWIRRO-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo qaabilay safiirka midowga Yurub ee Somalia.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha madaxweynaha Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 29 November 2016 Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafti ay hoggaaminayso safiirka midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya ambassador Mss Veronique Lorenzo.

kulankan uu la qaatay madaxweyne ku xigeenku safiirka midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa ku weheliyey masuuliyin ka tirsan golloyaasha Dawlada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada  Puntland.

kulan ayaa waxaa lagaga wada hadlay abaaraha baaxadaleh ee ka jira Puntland, mashaariicda ay midawka yurub ka fuliso Puntland, waxbarashada, caafimaadka, amniga, doorashooyinka ka socda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

kullan gaara oo ay wada qateen ka dib, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa la hadlay warfidiyeenada, waxaana uu shegay in Dawladda Puntland ay uga mahad celinayso midawga Yurub mashaaricaha horumarineed ee ay ka wado Puntland, sidoo kale wuxuu  sheegay in socdaalka  Danjiraha Midaga yurub  ee Garoowe uu salka ku hayey masruuc ay wasarada waxbarasha ka caawiyaan.

” waxaan aad ugu faraxsanahay inaan caasimada Puntland ee Garoowe ku soo dhoweyno ambassador ka Midawga Yurub Miss. Veronique Lorenzo, oo markii ugu horaysey timi Garoowe, Safiirka iyo weftiga la socdeyba waxa uu socdaal koodani salka ku hayey mashruuc ay wasaarada waxbarasha Puntland ka cawiiyaan, runtii aanuna aad iyo aad ugu qanacsanahay, kuna farax sanahay waxa ay uqabtaan shacabka Puntland iyo Dawladda-ba, sidoo kale waxaanu ka wada hadalay ambassadorka xaalada abaareed ee ka jirta puntland, tasoo ay ka warhayaan beesha calamka iyo ummada Soomaliyeedba inay tahay tii ugu qalafsanayd ee taarikhda abid soo marta Soomaaliya, waxaanuna ambasodor Mss. Veronique Lorenzo, lawadaagnay in loobahan yahay in si deg deg ah loogu gurmado dadka abaaruhu sameeyey” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey

Ambassador Mss.Veronique Lorenzo ayaa dhankeeda waxay sheegtay in ay aad ugu farax santahay socdaalka ay ku timi Puntland, sidoo kale waxa ay ka dhawajisay in socdaal koodan uu salka ku hayey mashruuca waxbarasho ee ay wasaaradda waxbarashada Puntland ka caawiyaan islamarkaana ay ka qayb galaan shirwaynaha saddexaad ee wasaada waxbarada Puntland, Sidoo kale ambassador Veronique Lorenzo ayaa waxa ay  Dawladda Puntland ku amaantay qaabka iyo hanaanka doorasho ee ka socota Puntland.

Ugu danbayn ambassador Veronique Lorenzo ayaa sheegtay in midawga Yurub ay gacan lixaad leh ka gaysan donaan sidii loo cawin lahaa dadka abaaruhu sameeyeen.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img_1737 img_1740 img_1754 img_1755 img_1756 img_1757 img_1758 img_1762 img_1771 img_1775 img_1776 img_1779 img_1780 img_1782 img_1784 img_1789 img_1790 img_1793 img_1794 img_1809 img_1810 img_1812 img_1815 img_1818 img_1825 img_1831 img_1832 img_1837 img_1839 img_1842 img_1855 img_1856 img_1862 img_1865

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com