Site icon Radio Daljir

SAWIRRO-Shir dib loogu eegayo waxbarashada Puntland oo Garoowe ka furmay.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha
Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maanta 29 November, 2016 waxa uu si rasmi ah u dah-furay shirweynihii saddexaad ee waxbarashada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa shirka kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda, masuuliyiin ka mid ah hay’adaha Dawladda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Shirweynaha saddexaad ee waxbarashada Puntland waxaa sidoo kale ka qaybn galay masuuliyiin ka socotay maamulada dalka, safiirka midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya Veronique Lorenzo, masuul ka mid ah bangiga adduunka, saraakiil ka tirsan hay’adaha Qaramada midoobey iyo xubno kale oo muhiim ah.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha
Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka wuxuuna wasaaradda Waxbarashada ku ammaanay sida ay u gudanayso waajibaadka ka saaran horumarinta iyo tayaynta waxbarashada Puntland.

Ugu danbayn , Madaxweyne ku xigeenka ayaa Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ee beesha calamka ku adkeeyey inay sii xoojiyaan taageerada ay Dawladda Puntland ka siiyaan tayaynta dhinaca waxbarashada, iyadoo isbeddel baaxad leh laga dareemayo waxbarashada Puntland.


–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

                                                                                 

Daljir.com

Exit mobile version