HomeUncategorized

QM oo dilkii shaqaalaheeda loogu gaystay deegaanka Matabaan cambaaraysay,hakisayna howlihii gargaar ay ka waday degmada Matabaan

New York,Dec,24 -Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon ayaa si adag u cambaareeyey dilkii dalka Somaliya loogu geystay 2 sarkaal oo ka tirsanaa barnaamijka cuntada aduunka ee (WFP) iyo xubin kale oo ka tirsanaa urur la shaqeeynayey WFP.

Puntland oo qorsheyneysa guluf ka dhan ah burcad badeeda Somalida ah ee ka ugaarta badweynta Hindiya.
Mucaaradka Kenya oo Maraykanka la kaashanaya sidii Ciidamada Kenya looga soo saari lahaa Somaliya
Madaxweynaha Burkino Faso ee la Afganbiyay oo Dib loogu celinayo xukunka

New York,Dec,24 -Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon ayaa si adag u cambaareeyey dilkii dalka Somaliya loogu geystay 2 sarkaal oo ka tirsanaa barnaamijka cuntada aduunka ee (WFP) iyo xubin kale oo ka tirsanaa urur la shaqeeynayey WFP.

Rag hubaysan ayaa magaalada Matabaan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Somaliya ku toogtay saraakiishaasi dhinaca gargaarka ah mar ay kormeerayeen qaybinta cuntada gargaarka ee xeryaha dadka dalka gudihiisa ku barakacay ee IDP sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah .

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqay maamulayaasha Somaliya inay xaqiijiyaan amaanka iyo badbaadada shaqaalaha arimaha bani?aadantinimada ee dalkooda , waxana afhayeenka qaramada midoobey ee Martin Nesirky sheegay in xoghayaha guud ee qaramada midoobey Mr ban Ki Moon uu dalbaday in si degdeg ah cadaalada la horkeeno dadkii masuulka ka ahaa dilka shaqaalaha gargaarka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka WFP ka soo saartay dilka shaqaalaheeda ayaa lagu sheegay in ninkii dilka geystay uu isu dhiibay maamulaayasha degaanka ee Matabaan.

Hay’adda WFP ayaa si ku meelgaar ah u hakisay cuntadii ay ka qaybinaysay magaalada ay shaqaaqadani ka dhacday ee Matabaan ,iyadoo dalbatay baaris dheeraad ah.

Cabdirashiid Muuse Saciid

Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: