Madaxweynaha Burkino Faso ee la Afganbiyay oo Dib loogu celinayo xukunka

Axad, September 20, 2015 (Daljir) — Milatariga wadanka Burkina Faso ayaa lafilayaa inay xukunka kusoo celiyaan shacabka wadankaasi iyo dowladdii kumeel gaarka ahayd ee uu hogaaminayey madaxweyne Michel Kafando, sida uu sheegay madaxweynaha Benin Thomas Boni Yayi.

Go’aankaan awooda loogu celinayo shacabka Burkina Faso ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Benin Thomas Boni Yayi uu wadahadal kula yeeshay magaalada Ouagadougou, hogaamiyaha afgembiga sameeyey general Gilbert Diendere.

Madaxweyne Thomas Boni Yayi ayaa sheegay inay mar labaad rajaynayaan in awoodu ay shacabka kusoo laabato kadib shir jaraa’id oo uu qabtay xilli uu kasoo baxay wejigii saddexaad ee wadahadal uu sabtidii layeeshay General Gilbert Diendere.

“Waxaan doonaynaa in xukunku uu dib ugu soo laabto habkii hore, xukunkii shacabka ee uu hogaanka ka ahaa madaxweyne Michel Kafando”, Ayuu yiri madaxweyne Thomas oo intaas kusii daray in faahfaahin dheeraad ah oo ah war u wanaagsan shacabka Burkina Faso ay maanta oo Axad soo bixi doonto.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com