HomeUncategorized

Mucaaradka Kenya oo Maraykanka la kaashanaya sidii Ciidamada Kenya looga soo saari lahaa Somaliya

Axad, Abriil 12, 2015 (Daljir) — Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD, Raila Odinga iyo Kalonza Musyoka ayaa sheegay inay doonayaan inuu Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama iyo Dolwaddiisa taageero ka geystaan sidii Askarta Kenya uga soo huleeli lahaayeen Hawlgalka AMISOM.

Meydka 2 nin oo shacab ah oo laga helay duleedka Bari ee magaalada Galkacyo.
DHEGEYSO-Khudbaddii sanad laha ahayd ee madaxweynaha Puntland.
Faah faahin banaanbax rabshado wata oo ka dhacay Qardho (Sawiro )

Axad, Abriil 12, 2015 (Daljir) — Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD, Raila Odinga iyo Kalonza Musyoka ayaa sheegay inay doonayaan inuu Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama iyo Dolwaddiisa taageero ka geystaan sidii Askarta Kenya uga soo huleeli lahaayeen Hawlgalka AMISOM.

Labadaasi Hoggaamiye waxay hadalkaasi ku sheegeen  Kulan ay la qaateen Senatoro ka tirsan Maraykanka oo haatan booqasho ku jooga magaalladda Nairobi, iyagoo sheegay inaan loo baahnayn inay Ciiddanka Kenya lagu sii hayo gudaha Somalia.

Labada Hoggaamiye ee ugu tunka weyn Mucaaradka Kenya waxay tilmaameen in khasaaro iyo xanuun ba’an laga dhaxlay joogitaankooda.

Dhinaca kale, Senator Chris Koonis iyo Kiristeen Gilibrand oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka, waxay u gogol-xaarayaan safarka uu Madaxweyne Obama ku imaanayo dalka Kenya bisha July ee sannadkan.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: