Puntland oo laga xusay Sanad guuradii 55-aad ee Asaaska Ciidamada xooga Soomaaliya

Axad, Abriil 12, 2015 (Daljir) — Munaasibad lagu xusayey sanad guuradi 55-aad ee kaso wareegtay markii la Aas-Aasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya aya maanta ka dhacday xarunta 54-aad ee taliska guud ee ciidanka Daraawishta Puntland.

Munaasibada xusku intii ay socotay aya madasha laguso bandhigay riwaayadoka tur-jumaya taarikhdi ciidanki xoogga dalka Soomaaliya marxaladihi kala duwana ee uu soo maray iyo halka uu haatan ku danbeeyo.

Ciidamada Daraawishta Puntland aya sido kale goobta kuso badhigay Gaado ka cayaar ay ugu dabaal-degayen Aasaski ciidanka xoogga dalka oo ku beegnayd 12-ka April,waxana ciidanka salaan sharaf ka qaatay Taliyaha guud ee ciidamada Darawiishta Puntland Gen.Siciid Dheere,iyadoona Maanta oo kale sanad guurada laga maamuso meel-kasta oo ay joogan ciidamo Soomaaliyed ee kamida gudaha dalka.

Taliyaha guud ee ciidanka Difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi Siciid Dheere waxaa uu hambalyo u diray Sareeyayaasha,Sarakiisha,S/ku xigeenada iyo Danleyda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,waxana uu ugu hambalyey sanad guurada 55-aad ee Aasaaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,wuxuuna ilahay uga rajyey inu sanadkan sanadkiisa ku gaarsiyo Barwaaqo,Nabad-gelyo iyo horumar.

By: Maxamed Saalax Xalliye

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com