HomeUncategorized

Shirkadaha ganacsiga gobolka Gedo qaar oo raashin u qaybiyey bukaanada cisbitalka Beled-xaawo

Beled-xaawo, January 5, 2014 - Qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee gobolka Gedo ayaa ka jawaabay codsi ka soo yeeray maamulka cisbitalka, kaas oo lagu dalbanayey in loo gurmado dadka ku jira goobtaas.

Waxgarad ka cabanaya qoondaynta xildhibaanada cusub ee barlamaanka Soomaaliya.
Dhegeyso:Maamulka gobolka Nugaal oo ka hadlay qaraxii xalay Garoowe ka dhacay
Caawa iyo Daljir_Arbaca_Nov 7-2012_Maxamuud Cabdi Ibraahim ( Daljir Boosaaso)

Beled-xaawo, January 5, 2014 – Qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee gobolka Gedo ayaa ka jawaabay codsi ka soo yeeray maamulka cisbitalka, kaas oo lagu dalbanayey in loo gurmado dadka ku jira goobtaas.

Xareed Buule Xirsi maamulka shirkada Najma Express ayaa shaaciyey in shirkadoodu ay ka jawaabtay codsiga maamulka cisbitalka ee loo jeediyey hay?addaha iyo shirkadaha gobolka.

Shirkada xawaalada Najma ayaa raashin iyo lacag u qaybisay bukaano fara badan oo ku jira cisbitalka degmada.

Raashinka loo qaybiyey bukaanada ayaa isugu jiray bariis, sonkor iyo saliid, sidoo kale shirkada Najma ayaa bixisay lacag toos ah.

Maamulka degmada cisbitalka Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa boggaadiyey deeqda ay keentay shirkada Najma, waxayse mar kale ku baaqeen in loo gurmado dadka cisbitalka ku jira oo u baahan wax badan oo tabarucaad ah.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: