Musharixiinta Puntland oo soo dhoweeyey doorashadii shalay iyo masuliyiintii la doortay (Dhegeyso)

Garoowe, January 5, 2014 – Musharixiinta Puntland ayaa soo dhoweeyey doorashadii shalay lagu doortay gudoomiyaha baarlamanka Puntland iyo labadiisa ku xigeen, taas oo ka dhacday xaruunta gollaha shacabka ee Garoowe.

Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar oo ka mid ah musharixiinta isla markaasna shir jaraa?id maanta ku qabtay Garooowe ayaa si wayn u soo dhoweeyey doorashadii shalay dhacday, iyo masuuliyiinta la doortay.

Musharax Samatar ayaa tilmaamay in howsha gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka ay tahay mid balaran loona baahan yahay in dadka reer Puntland loogu shaqeeyo sida ugu wanaagsan ee masuuliyadaas leedahay.

Musharixiinta kale ee ay ka mid yihiin Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yey iyo Cali Xaaji Warsame ayaa iyana shalay ilaa xalay si heer sare ah u soo dhoweeyey doorashada dhacday iyo masuuliyiinta soo baxay, waxay ku tilmaameen bilowga tartankii is-bedelka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso:- Musharax Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar oo ka hadlaya arrimaha doorashadii shalay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com