Xulka Nugaal oo 2-1 kaga badiyey Mudug & xulka Banaadir oo 2-1 kaga badiyey Hiiraan.

Garowe, Dec 26 – Waxaa maanta bilawday wareega 2-aad ama “quarter finals” ee ciyaaraha gobollada Somaliya. Waxaa ciyaartii 1-aad isku arkay xulalka Nugaal v Mudug iyo Banaadir v Hiiraan.

Wareegan oo ah is-arag keliya ama “knock-out” oo xulkii ku guulaysta ciyaarta maanta uu u gudi doono wareega 3-aad ama “semifinals” oo ay isugu soo har doonaan 4-ta xul ee wareega 2-aad ku guulaysata.

Nugaal v Mudug
Ciyaartan ayaa ahayd ciyaar aad u xiisa badan, aadna u adag; labadan xul ayaa ciyaartoodu ay isku nooc tahay marka laga eego dhinaca kontaroolka iyo baaska, waxaana ay ciyaaraan ciyaar aad u dheer oo u badan orod iyo baas dheer. Xulka Nugaal ee martigalinaya ciyaarta ayaa ku soo guulaysatay ciyaarihii hore ay ciyaareen oo dhan, aadna ugu han weyn in ay guulo ka soo hoyaan ciyaaraha gobollada.

Weerarka xulka Nugaal ayaa ciyaar aad u wanaagsan soo bandhigay, kuna guulaystay in ay dhaliyaan 2, halka xulka Mudug ay dhaliyeen 1 gool, guushuna ay ku raacday xulka Nugaal oo gudbay wareega 3-aad ama semifinals ka. Mudug ayaa ku haray wareega 2-aad ee ciyaaraha.

Banaadir v Hiiraan
Xulka gobolka Banaadir ayaa ciyaartooda galabta ku soo bandhigay ciyaar farsamo ahaan aad u saraysa, walow xulka Hiiraan ay muujiyeen difaac wanaagsan.

Xulka Banaadir ayaa dhaliyey 2 gool, halka xulka Hiiraan ay dhaliyeen 1 gool oo keli ah. Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday xulka Banaadir oo gudbay wareega 3-aad ama semifinals ka ciyaaraha gobollada.

Berri ayaa waxaa ciyaari doona xulalka Bari v Baay iyo xulalka J. Hoose v Sh .Hoose.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com