Xulka Bari oo 3-1 kaga badiyey Baay & xulka J. Hoose oo rigoore ku soo baxay; Sh. Dhexe & Baay oo ku haray wareega 2-aad.

Garowe, Dec 27 – Waxaa maanta isku arkay wareega 2-aad ama “quarter finals” ee ciyaaraha gobollada Somaliya xulalka Bari v Baay & J. Hoose v Sh. Dhexe.

Ciyaaraha maanta ayaa ahaa kuwa xiise gaar ah leh oo dadweyne aad u badani ay u soo daawasho tageen; wareegan ayaa ah is-arag keliya ama “knock-out” oo xulkii ku guulaysta ciyaarta maanta uu u gudi doono wareega 3-aad ama “semifinals” oo ay isugu soo har doonaan 4-ta xul ee wareega 2-aad ku guulaysata.

Bari v Baay

Ciyaartan ayaa ahayd ciyaar aad u bilan oo xulka gobolka Bari ay ciyaar wanaag iyo farsamo sare ku soo bandhigeen.

Weerar aan kala go’o lahayn ayay xulka Bari wadeen bilaw illaa dhamaad ciyaarta, waxaana ay la yimaadeen fursado badan oo ay goolal qurxoon ku dhalin kareen. Difaaca xulka Baay ayaan yaraysan, walow weerarka lagu hayey uu ahaa mid ay iska caabiyi kari waayeen.

Xulka Bari ayaa dhaliyey 3 gool oo qurxoon, halkaasna ay guushu ku raacday, una gudbay wareega 3-aad ama semifinal-ka ciyaaraha gobollada Somaliya.

J. Hoose v Sh. Hoose

Ciyaartan ayaa ahayd ciyaar la is mari waayey, wax goolal ahna aan la kala dhalin. Labada xul ayaa weerar iyo difaacba la oran karaa waa ay ka sinaayeen, taasina waxaa ay keentay in ciyaartu ay ku dhamaatay 0-0.

Waxaa deetana loo gudbay rigoorayaal uu xulkiiba 5 rigoore leeyahay. Xulka J. Hoose ayaa isagu dhaliyey 4 gool, halka xulka Sh. Dhexe ay shaliyeen 2 gool, sidaadsa ay guushu ku raacday xulka J. Hoose.

Gobollada Nugaal & Banaadir ayaa shalay u gudbay wareega 3-aad (semifinals), ayna is arki doonaan Bari & J. Hoose.

Waxaa 28-ka December wada ciyaari doona xulalka :
– Nugaal v Banaadir.

Waxaa 29-ka December wada ciyaari doona xulalka :
– Bari v J. Hoose.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com