Ximin iyo Xeeb oo ka soo horjeesatay in Dhuusamareeb Caasimad loogu dhigo Maamulka Gobollada Dhexe

Khamis, Abriil 09, 2015 (Daljir) —  Maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka arimiya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud iyo deegaamada hoosyimaada ayaa kasoo horjeestey in magaalamadaxda maamulka gobolada dhexe ee Soomaaliya laga dhigo magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay lahadlay dadka kunool magaalada Dhuusamareeb oo horay udiidey inay magaalada Cadaado kaga qaybgalaan shirka dhismaha maamulka gobolada dhexe ayaa shaaciyey in caasimada maamulkaasi ay noqon doonto magaalada Dhuusamareeb laakiin maamulka lagu dhisi doono magaalada Cadaado.

Madaxda maamulka Ximan iyo Xeeb iyo siyaasiyiinta kushirsan magaalada Cadaado ayaa gelinkii dambe ee shalay iyo ilaa saqdii dhexe ee xalay waxa ay lahaayeen kulamo ay kaga tashanayaan hadalka Madaxweynaha, waxaana ay sheegeen inaysan hadalkaasi aqbali doonin.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb oo lahadlay warbaahinta kadib kulankii Cadaado ayaa sheegay in maamulka Ximan iyo Xeeb uusan raali ka ahayn hadalka Madaxweynaha Soomaaliya, uusana madaxweynuhu xaq ulahayn inuu yeeriyo halka ay caasimadu noqon doonto, arrintaasna ay katashigeeda xaq uleeyihiin dadka kunool gobolkaasi.

By: Abdirashiid Abshir

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com