HomeUncategorized

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kuwayt shirar kula leh madax ka tirsan wadamada Carabta

Khamis, Abriil 09, 2015 (Daljir) — Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti), oo dalka Kuwait uga qayb galayay shirka sanadlaha ah ee hay’adaha Maaliyadda wadamada Carabta, ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda Wadamada Carabta, isagoo kala hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Wadamada Carabta.

Dhagayso Maanhadal oo lagu casumay General C/risaaq Afgaduud, General Carays, iyo W/hore ee Maaliyada Soomaaliya Cawil
SRSG-ga oo cambaareeyey isku dayga dilka Madaxweynaha Soomaaliya.
(Dhagayso) Cali Xaaji: Luggooyo wayn baa xukuumadda Gaas ay shacabka Puntland u gaysatay, waana nasiib-darro.

Khamis, Abriil 09, 2015 (Daljir) —  Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti), oo dalka Kuwait uga qayb galayay shirka  sanadlaha ah ee hay’adaha Maaliyadda wadamada  Carabta, ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah  Wasiirada Maaliyadda Wadamada Carabta, isagoo kala hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya  iyo Wadamada Carabta.

Sidoo kale, Wasiirka  ayaa kala hadlay Wasiirada Maaliyadda ee dalalka Carabta sidii looga dhabeyn lahaa taageerada dhanka Maaliyadda ah ee ay dowladaha Carabtu ugu yaboohaan Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan aan soo gaarin gacanta dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Kuwait oo ka mid ahaa Mas\’uuliyiinta Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la kulmay, ayaa dhankiisa balan qaaday in uu ku dadaali doono sidii loo fulin lahaa balan qaadayadaas, wuxuuna muujiyay in Soomaaliya ay mudan tahay in la garab istaago lana xoojiyo iskaashiga ay la leedahay wadamada Carabta. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ee Jazaa\’ir ayaa isna dhankiisa muujiyay rajo wanaagsan oo ku aadan fulinta balanqaadyadaas.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Adan Ibraahim (Farkeeti) ayaa caawa ka qayb-galay Xaflad ay soo agaasintay Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait oo Shahaado Sharaf lagu gudoonsiinaay Wiil Soomaaliyeed oo kaalinta Kowaad ka galay tartan Quraan akhris ah oo maanta ka dhacay Dalka Kuwait. 

Tartaanka oo ay ka qayb-qaateen ilaa iyo 60 Dal ayaa waxaa nasiib u yeesha Cabdirisaaq Cabdulaahi oo ah wiil Soomaaliyeed in uu kaalin kowaad noqdo taas oo aad uga farxisay Mas\’uuliyiintii ku sugnayd Dalka Kuwait. Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya ayaa Shahaado Sharafta gudoonsiyay Wiilka kaalinta kowaad galay ee Cabdirasaaq.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: