Xildhibaan Katirsan Barlamaanka Somaaliya oo ku Geeriyooday Dalka Hindiyaa

Xildhibaan Katirsan Barlamaanka Somaaliya oo ku Geeriyooday Dalka Hindiyaa

Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ahaa Golaha Shacabka ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dalka Hindiya.

Geerida XIldhibaanka ayaa waxaaa xaqiijiyay Xafiiska Warfaafinta ee Golaha shacabka Soomaaliya,iyada oo XIldhibaanku uu ku xanuunsanayay Dalka Hindiya maalmihii la soo dhaafay.

Isbitaalka ku yaalla Hindiya ayuu ku xanuunsanayay iyada oo dhawaan qalliin lagu sameeyay,inaksta oo uu xalay gelinkii dambe u geeriyooday.

Bishii November 2016kii ayuu noqday Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka kaddib markii uu ku soo baxay doorashadii Xildhibaannimada ee ka dhacday Cadaado.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com