Xildhibaan Dalxa oo Eedeeyay dowlada Soomaaliya

Talaado, May 19, 2015 (Daljir) — Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka islamarkaana la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin Maamulada Dalka ka jira iyo Nidaamka Federaalka.

Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay Maamulada dhismay iyo kuwa Dhismaya aysan ku saleysneyn Nidaamka Federaalka ah,waxaana uu Xusay in Dowladda Soomaaliya ay weecisay Hanaanka Federaalka.

“Baarlamaanka waxaa uu Saxiixay Federaalka laakiin sidii Baarlamaanka uu Howsha ku ogaa waa laga badalay oo Siyaasad iyo Sad bursi ayaa Meesha soo galay”ayuu yiri Dalxa.

Dalxa ayaa Baarlamaanka Soomaaliya  ugu baaqay in uu wax ka qabto qaabka ay dowladdu u wado Federaalka,kaas oo uu sheegay in uu isku diri karo Dad Xidid iyo xigaale ah.

 

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com