Xasan Sheekh oo Maanta u Dhoofay Talyaaniga

Arbaco, September 02, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Talyaaniga, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono bandhiga carwada caalamiga ah oo muddo lix bil ah ka socotay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Bandhig carweedka ayaa waxa ku jira madal loogu magac daray madasha maalgeshiga Soomaaliya, taasi oo ku beegan maalinta beri ah, waxaana sidoo kale jiri doona maalin gaar ah oo ay leedahay Soomaalida, isla markaana lagu soo bandhigi doono waxyaabaha ay caanka ku tahay Soomaaliya, iyadoo ay ka qeyb gali doonaan ganacsato Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale 4-ta bisha waxa uu magaalada Roma kula kulmi doonaa Madaxweynaha Talyaaniga  oo ay ka wada hadli doonaan sidii dowladda Talyaaniga ay u xoojin lahayd taageerada ay siineyso Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com