Madaxweyne Gaas oo Bursaalax iyo Deegaano kale lagu soo Dhaweeyay

Arbaco, September 02, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo  ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 2-9-2015 siweyn loogu soo dhaweeyey deegaanada Riig oomane iyo Buursaalax ee Gobalka Mudug.

Wefdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha oo isugu jira, Wasiiro , Xildhibaano, Waxgarad, maamulka Gobalka Mudug , Saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa ugu horeyn waxaa si habsami leh loogu soo dhaweeyey deegaanka riig oomane .

Soo dhaweynta madaxweynaha ee deegaankaasi waxaa si hambsami leh uga qeyb-qaatay Waxgarad, arday, haween, dhalinyaro  iyo masuuliyiin kale , kuwaasi oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta madaxweynaha.

Deegaanka Buursaalax ayaa boqolaal dadweyne oo isugu jira rag iyo dumar , maamulka degmada iyo waxgarad si maqaamsare leh ugu soo dhaweeyey madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayo.

Dadweynaha oo safnaa wadada hareeraheeda ayaa madaxweyne Gaas waxaa uu socod dheer ku maray wadada ilaa uu ka gaaray hoyga laga dajiyey deegaanka Buursaalax ee Gobalka Mudug.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com