Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir Kaga Qaybgeli Doona Koonfur Africa (Sawirro)

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dalka South Africa uga qayb galaya shir looga hadlayo caqabadaha haysta Africa, si loo helo natiijo wax ku ool ah oo wax looga qabto xaaladaha dhibaato ee ka jira Afrika.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxdii hore ee dalalka South Africa, Tanzania, Tunisia, Nigeria, Soomaaliya iyo qaar kale oo madaxdii Afrika soo martay ka mid ah, waxaana soo qaban qaabisay Hay’adda Thabo Mbeki Foundation.

Waxaa diirada lagu saarayaa shirkan arrimaha ku aadan Nabadda, Dowlad wanaaga, Siyaasadda iyo arrimaha Bulshada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay ujeedka safarkiisa inuu ku qotomo ka qayb galka Shirkaasi oo madaxdii hore ay isla wadaagi doonaan sida Afrika muhiim ay ugu tahay in xal loo helo caqabadaha haysta.

“Dalkan South Africa waxaan u imid in aan ka qayb galno shir ay ka qayb galayaan Madaxweynayaashii hore ee Qaaradda Afrika iyo dad waxgarad ah kaas oo looga hadlayo hogaanka Qaaradda waxaana lagu wadagayaa waaya aragnimada.” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

SAWIRRO


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com