Xasan Abgaalow, ”Galmudug Xoolohoodii baan Waraabinaynaa iyana Xabbad bay Nagu Dilayaan” (dhegayso)

Odayaasha iyo Waxgaradka Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug oo Maanta Radio Daljir kula hadlay Gaalkacyo ayaa si kulul uga hadlay Maleeshiyaad Galmudug ka soo jeeda oo 3 qof oo Xoolo dhaqata ah ku dilay inta u dhaxaysa Godod iyo Gacmafale ee Gobalka Mudug.

Waxgaradka iyo Maamulka Gaalkacyo ayaa sheegay in Puntland soo dhaweyn wanaagsan ay u samaysay xoolo dhaqatadii Galmudug kasoo hayaamay ee ay soo barakicisay Abaarta ,iyago sheegay inay soo dhaweyn u sameeyen isla markaana xoolohoodi si fiicn u daqeen dhulka cagaaran ee mudug,waxayna shegeen in Galmudug ay ku abaar marisay dadkii soo dhaweyeey Xabad iyo inay layaan dadkii soo dhaweyeey.

Nabadoonada Ayaa sheegay in 30 Nin oo Hubaysan watayna Booliska Galmudug ay dileen Saaka Dadkaa Shacabka ah, isla markaana dilka shacabka uu ahaa mid ku talaggal ah oo ay soo abaabuleen Ciidan Hubaysan oo Galmudug ka soo jeeda, waxayna ugu baaqeen shacabka in ay is difaacan, isla markaana Galmudug aysna doonayn wadahadal iyo Nabad.

Shaafici Cabdulqaaadir Warsame ayaa warbixintaan Gaalkacyo ka soo diray

dhegaysi wacan


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com