Xaalka caafimaad ee wasiirka dib-u-dhiska Puntland oo ah mid wanaagsan shil kaddib

Xaaladda caafimaad ee wasiirka dib-u-dhiska, hormarinta iyo maalgashiga Puntland, Cabdikhadar Faarax Shaaciye, ayaa ah mid wanaagsan kaddib markii gelinkii dambe ee shalay oo Axad ahayd gaari kula dhacay meel waxyar u jirta magaalada Garoowe.

Wasiir Cabdikhadar Faarax Shaaciye oo gaariga la dhacay uu la saarnaa oo kaliya darawalkiisa, ayaa dhaawac fududi ka soo gaaray qaybta dambe madaxa, dhaawacaasi oo ahaa mid sahlan, wakhti kooban kadibna keenay in laga saaro isbitaalka kadib markii la hubiyay ladnaantiisa caafimaad sida uu Daljir u xaqiijiyey wasiiru dawlaha madaxtooyada iyo xiriirka golayaasha dawladda.

Wasiirka oo ay weheliyeen wafti kale oo saarnaa gaadiid kale ayaa ka soo laabtay safar uu maalmahaan ugu maqnaa gobolka Mudug, isagoo tagey degmooyin kale duwan oo gobolkaasi Mudug ka mid ah.

Waxyar kadib markii uu shilkaasi gaari ee wasiirku ku dhaawacmay dhacay, ayaa Radio Daljir waxaa uga warramay sida shilku u dhacay, xaalka wasiirkaba wasiiru dawlaha madaxtooyada iyo xiriirka golayaasha dawladda Cabdillaahi Maxamed Jaamac Qur’aan Jecel, waxaana wareystay Cabdifataax Cumar Geeddi.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com