Xaalka 17 Qof oo ku Sumoobay Ceelka Ileed ee Degmada Ballidhin, Gobolka Bari (dhegayso)

Deegaanka Ballidhin ee Gobolka Bari gaar ahaan ceel ku yaal duleedka magaalada oo muddo sanado badan ah dadku ay ka cabbi jireen waxaa ku sumoobay dad xoolodhaqato ah. Ceelka oo lagu magacaabo Ceelka Ileed ayaa illaa iyo hadda waxaa u jiifa dad ku sumoobay biyo ay ceelka cabeen, qaarna u dhintay. Illaa iyo hadda 17 qof ayaa bukaanjiif ah, meesha 5 qof ay dhinteen.

Bukaanada ayaa waxaa la kala geeyay isbitaalada Bossaso iyo Carmo. Waxaa kale oo la qiyaasayaa jiritaanka boqollaal kale oo biyaha cabbay, lagana cabsi qabo in ay dhawaan soo dhacaan.

Ma jirto illaa iyo hadda tiimam caafimaad oo gaaray Ceel Ileed.

Xuseen Siciid Maxamed Mataan waa Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka degmada Balidhidin waxa uuna u waramay wariye Xasan Heykal.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com