Weerar Isqarxin ah oo lagu qaaday Safaarada Maraykanka ee dalka Tunisia

Wararka ka imanaya dalka Tunisia ayaa sheegaya in labo ruux oo waxyaalaha qarxa isku soo xirey ay isku qarxiyeen meel ku dhow safaarada Maraykanka ee magaalada Tunis ee dalka Tunisia.

Weerarkan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen shan ka mid ah ciidamada ilaalada ka ahaa safaarada.

Booliska ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, halkaas oo uu ka muuqday burburka qaraxa. Waxa la arki karey calanka Mareykanka oo ka muuqda qeybta dambe ee halka ay wax ka dhaceen.

Saraakiil u hadashay Booliska ayaa sheegay in qaraxyada ay ku dhinteen labadii qof ee fuliyey oo kaliya.

Booliska ayaa sheegay in mid ka mid ah raga weerarka soo qaaday uu isku dayey inuu galo safaaradda balse laga hor-istaagay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxan,hase yeeshee kooxda IS ayaa hore u shaacisay inay weerari doonaan danaha Maraykanka ee caalamka oo idil.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com