Lix qodob oo Hoggaamiyayaasha Waqooyi Bari kenya ka soo saareen dagaalki Baladxaawo

Lix qodob oo Hoggaamiyayaasha Waqooyi Bari kenya ka soo saareen dagaalki Baladxaawo

Kulan Maanta yeesheen Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda ee gobolka Waqooyi ee dalka Kenya waxaa ay uga hadleen xaaladda ka jirta Magaalada Mandheera iyo dhibaatooyinka amni ee hadda taagan.

War-Saxaafadeed ay kulanka kasoo saareen ayaa waxaa ay kusoo dhaweeyeen wada hadalkiis & heshiiskii dhexmaray Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ku saabsanaa dib-u-xasilinta xiisadda u dhexeysa labada dhinac ee uu saameeyey dagaalkii ka dhaca xadka Kenya iyo Soomaaliya.

“Annaga oo ah hoggaamiyeyaasha Woqooyi Bari, isla markaana ah deris dhow oo aan Soomaaliya nahay, waxaan aaminsanahay inaan wax ku kordhin karno oo ay naga go’an tahay inaan ka mid noqono Amniga Qaranka iyo danaha istiraatiijiyadeed ee waddankeenna ayaa lagu yiri” War-Saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka ay soo saareen oo ka kooban lix qodob oo ay kaga hadleen xaalada Beled-Xaawo & dagaalkii dhacay Hoos Ka Akhriso.

1. In ka badan hal bil ayaa waxaa jiray khilaaf weyn oo udhaxeeya Dowlada Goboleedka Jubaland iyo Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya. Si kastoo ay ahaataba sababaha keenaya lama xakameynin, Dowladda Federaalka waxay go’aansatay inay la wareegto gacan ku haynta maamulka iyo amniga magaalooyinka xuduudaha ee Beled Xaawo iyo Doolow. Tallaabadan ayaa dhalisay in si buuxda loogala wareego maamulka Jubaland iyo ciidamadeeda amniga halkii ay ku sugnaayeen ,iyaga oo go’aansaday in ay u gudbaan xadka Kenya oo ay kaga sugnaayeen meel dhow Mandheera.

2. Maalintii Isniinta 2-dii Maarso labada ciidan ayaa midba midka kale ku weerarey iyada oo aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac ka soo gaaray laakiin waxaa 12 qof ku dhaawacmeen magaalada Mandheera sababo la xiriira rasaasta faraadan oo kusoo dhacdey.

3. Tan iyo markaas, ma jirin wax weerar ah oo ka dhex dhacay kooxaha dagaallamaya hase yeeshee waxaa jira nabadgelyo xumo iyo xiisad ka dhex jirtay labada dhinac ee dagaallamaya. Xaaladdaani waxay abuurtay argagax waxayna horseeday inay dadku ka qaxaan deegaannada ku hareereysan Magaalada Mandheera, sida Bulla Kastamka, Bulla Garay, Bulla Mpya, Bulla Arabia, Bulla Busle iyo Border dhibic 1.

4. Saadaalin la’aanta xaalada ayaa ah mid welwel gelineysa dadka iyo hoggaamiye ahaan waxaan ku qabnaa inta u dhaxaysa caqabadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya ummaddeena iyo Soomaaliya natiijada ka dhalanaysa saameynta khilaafka iskahorimaadyada u dhexeeya kooxaha dagaallamaya ee Soomaaliya oo saameyn weyn ku leh amniga dadka reer Mandheera. Waxay noqotay wax aad u adag in la isku miisaamo inta u dhexeysa taageerida jagada Dowladeena iyo matalaada dhibaatada haysata dadkeena kuwaas oo si iskood ah ula qabsaday isku dhaca taas oo noo suurta gelin weyday inaan sii wadno inta dadkeenna ay silica ku jiraan.

5. Waxaan ka codsaneynaa dowladda in ay kala furfurto xiisadan oo ay shacabka u xaqiijiso nabadgelyadooda iyo ammaankooda. Illaa iyo haatan xaaladda qaabeynta gobolka Mandheera waa mid lagu burburiyey kalsoonidii shacabka ay ku qabeen dowladdooda taas oo ay keentay dayacaad, mudnaan khaldan iyo in maslaxada gobolka bannaanka laga dhigo mid ka sarreysa tan muwaadiniinta u gaarka ah. Waxaan diidanahay in aan aqbalno in danaha hay’adaha kale ee dibedda ay ka sarreeyaan midka dadkeenna. Sidaa darteed waxaan dalbanaynaa in dawladeena ay ka saarto ciidamada shisheeye MANDERA si dhaqso leh.

6. Ugu dambeyntii, waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta inuu gacan ka geysto xakameynta xaaladdan si deg deg ah dammaanad qaadka amniga dadkeenna.

Waxaan fursaddan uga faa’iideysaneynaa inaan weydiisanno Xoghayaha Golaha ee Awood-u-dirirka Hon Eugene Wamalwa in laga caawiyo wax ka qabashada arrimaha bani’aadamnimada ee boqolaalka barakacayaasha ah ee ku sugan Magaalada Mandheera.

Warsaxafadeedka hogaamiyaasha ayaa ku soo beegmaya xili la soo sheegayo inay xiisad ka taagantahy Magaaladda Mandheere ee xadka kenya iyo somaaliya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com