Waxgaradka Galgaduud oo balan-qaaday in ay maamulka cusub kala shaqeyn doonaan nabaddeynta

Guriceel, August 29, 2013 – Waxgaradka iyo buslhada gobolka Galguduud ayaa soo dhoweeyey maamulka cusub ee gobolkaas, oo ay soo magcowday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha nabbadoonada Galguduud Cilmi Xirsi Carab, wuxuu sheegay in waxgaradka gobolka ay heegan ugu jiraan soo dhoweynta iyo la shaqeynta maamulka Cusub ee gobolku yeeshay, wuxuu sheegay in ay ?jiraan shaqooyin badan oo wax ka qabasho u baahan.

Nabbadoon Carab, wuxuu sheegay in ay maamulka gobolka kala shaqeyn doonaan nabad-deynta beelaha gobolka iyo sidii dadku ay ugu noolaan lahaayeen xasilooni buuxda oo bulshada dhexmarta.

Docda kale waxgaradku waxay ugu baaqeen maamulka cusub in uu wada-shaqeyn la yeesho Ehellu-suna Waljamaaca si looga fogaado is qab-qabsi, iyo xurguf siyaasadeed.

Gudoomiyaha gobolka Galguduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) ayaa si buuxda shalayto ula wareegay xilka maamulida gobolka Galguduud.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com