HomeUncategorized

Col. Salaad ? Waxaa jira isku dhacyo beeleed oo ka jira Mudug, waxaan ku baaqayaa nabad?(Dhegeyso)

Galkacayo, August 29, 2013 - Duqa degmada Galkacayo Col. Axmed Cali Salaad ayaa maanta shir jaraa?id oo uu ku qabtay magaalada Galkacayo, wuxuu baaq ugu jeediyey waxgaradka gobolka Mudug.

Hogaanka Al-Qaacida oo Ku baaqay weerarro ka dhan ah Reer Galbeedka
Xasan Shekh oo ku Baaqay in Dagaalka Al-shabaab lagula jiro la xoojiyo
DHAGAYSO: Dugsiyada Midigalle Sanaag iyo Imaamu Nawaawi Garowe oo ka Guulaystay Dugsiyadii ay la Tartameen

Galkacayo, August 29, 2013 – Duqa degmada Galkacayo Col. Axmed Cali Salaad ayaa maanta shir jaraa?id oo uu ku qabtay magaalada Galkacayo, wuxuu baaq ugu jeediyey waxgaradka gobolka Mudug.

Col. Axmed Cali Salaad wuxuu sheegay in ay jiraan isku-dhacyo beeleed oo gobolka ka jira, wuxuu ka digay in arrintaas ay ka dhashaan xaalad amni xumo.

? dhinaca Garacad waxaa ka jira xiisado beeleed, waana wax soo kordhaya arrimahaas waxay u baahan yihiin waxqabad, laakiin waxaa haatan jira odoyaal iyo ?waxgarad howshaas ku mashquulsan, waxaan ku baaqayaa nabad iyo xasilooni? ayuu yiri Axmed Cali.

Wuxuu ku cel-celiyey Duqa Galkacayo in loo baahan yahay in waxgaradku ay talaabo nabadeed qaadaan, wuxuu xusay in maamulku ay ka qeyb qaadan doonaan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso shirka jaraa?id ee uu qabtay Axmed Cali Salaad

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: