HomeUncategorized

Soomaaliland iyo waxgarad dib xabad joojin dhex-dhigay beelo ku diriray gobolka Sanaag (Dhegeyso)

Ceerigaabo, August 29, 2013 - Waxaa heshiis xabad joojin ah la dhex-dhigay beelo dhowaan ku dagaalamay deegaanka Gawsa-weyne oo hoostaga degmada Oog ee gobolka Sanaag ee Soomaaliland, heshiiskan.

DHEGEYSO-Musharax Cali Xaaji,*Dibudhaca doorashada waxaa mas’uul ka ah madaxda xilka haysa*.
M/weyne ku xigeenka Puntland oo baaq nabadeed u diray shacabka reer Puntland.
Al-shabaab oo sheegay in ay dilayaan sarkaalkii Faransiiska ahaa ee ay haysteen .

Ceerigaabo, August 29, 2013 – Waxaa heshiis xabad joojin ah la dhex-dhigay beelo dhowaan ku dagaalamay deegaanka Gawsa-weyne oo hoostaga degmada Oog ee ?gobolka Sanaag ee Soomaaliland, heshiiskan ayaa yimid kadib dhex-dhexaadin dheer.

Dagaal beeleedka ka dhacay gobolka Sanaag ayaa waxaa uu sababay in ay dhintaan ilaa 6 ruux iyo dhaawcyo kale oo badan, kuwaas oo ka kooban dhinacyadii dirirtu dhexmartay.

Wasiiro ka tirsan maamulka Soomaaliland iyo waxgarad badan ayaa ku baxay deegaanka dagaalku ka dhacay ee gobolka Sanaag, haatan waxaa lagu guuleystay in la qaboojiyo xiisadii dagaal beeleedka.

Suldaan Mahad Xirsi Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliland oo ku sugan deegaanka dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in guul baalaran laga gaaray xasilinta deegaanka, iyadoo lagu guulaystay in xabad-joojin haatan loo diyaar garoobayo fulinteeda.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso Suldaan Mahad uu waramay Jaamac Cabdiraxmaan oo Daljir ka tirsan

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: