HomeUncategorized

?Waxba kalama socdo xarigga wariyaha ku xiran Bosaso? taliyaha bileyska Puntland.

Caption ...

Bossaso: War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Bossaso oo lagu sheegay in ciidanka Puntland oo ka dileen Al-shabaab 21 nin.
Maalinta Akhriska iyo Qoraalka Adduunka oo Puntland laga Xusay
DHEGEYSO-Dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar ugu soo xirmay Ireland.

Bossaso, June 30 – Taliyaha bileyska Puntland Col. Cali-nuur Cumar ayaa maanta sheegay inuusan waxba ka ogayn xarigga wariye Faysal Max?ed Xasan oo shalay ay ciidanka bileysku ku xireen magaalada Bossaso, kaas oo la sheegay in loo haysto warbixin uu qoray.

Waraysi uu maanta siiyey idaacadda Daljir ayuu taliyuhu ku sheegay inuu saaka maqlay xarigga wariya balse uusan la socon sababta loo xiray iyo cidda xirtay midna taas oo shakigalinaysa xiriirka ay laamaha kale duwan ee bileysku la leeyihiin madaxdooda. Muujinaysana in arrintu aysan ka imaanin booliska.

Wariye Boston ayaa maalintii labaad ku xiran saldhigga bartamaha ee magaalada Bossaso waxaana warar ay Daljir heshay sheegayaan in wariyaha loo haysto warbixin uu ka qoray laba nin oo inta la gawracay la soo meel u dhaw tuulada Yalho ee gobolka horraantii todobaadkan.

Inkasta oo uusan jirin war cad oo la xiriira arrintan oo ka soo baxay dawladda hadana warar madax bannaan ayaa sheegaya in dawladdu ka carootay in labada nin ay ka tirsanaayeen ciidamada daraawiishta ee Puntland, taas oo lagu xusay warbixinta wariyaha oo lagu qoray bog la yiraahdo “Hiiraan.com” balse dawladdu horay u beenisay in labadaasi nin ay ka tirsanaayeen ciidankeeda.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: