HomeWararkaCiyaaraha

Waxaan Ahaa Waardiye Haddana Waxaan U Saftaa Xulka Kubadda Cagta Dalkayga

Askeri reer Ghana ah oo waardiye u ahaan jiray kooxda xulka Qaranka ayaa BBC-da u sheegay in uu ugu dambeyntii u ciyaaray kooxdaasi ciyaar caalami ah,

Saaka & Suuqa Ciyaaraha iyo cRaxmaan Yamani (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Mustafe Xuseen Yuusuf (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Askeri reer Ghana ah oo waardiye u ahaan jiray kooxda xulka Qaranka ayaa BBC-da u sheegay in uu ugu dambeyntii u ciyaaray kooxdaasi ciyaar caalami ah, isagoo taasi ku tilmaamay “Riyo u rumowday”.

Samuel Sarfo wuxuu markii ugu horreysay u ciyaaray kooxda Black Stars (Xidigaha Madow), wuxuuna bedel ku soo galay daqiiqaddii 81-aad, kulankaas oo Ghana ay Mareykanka uga badisay 2-1.

26 sano jirkan, wuxuu ka ciyaaray dhexda, kullankaasi saaxiibtinimo. Sarfo wuxuu BBC-da u sheegay in uu doonayo inuu noqdo xirfadle.

Wuxuu sheegay inuu la soo barbaaray Sports Nishat Ladha, halkaas ay ku sugnaayeen inta badan ciyaartoyda qaranka, ayna ku taageereen isaga , gaar ahaan kabtanka Asamoah Gyan oo ku dhiiragaliyay inuu sii wado shaqada adag.

Sarfo waxaa markii ugu horreysay kooxda ugu saftay kullan ka mid ahaa tartanka isreeb-reebka Horyaalka Afrika oo xulkiisa uu la ciyaarayay Itoobiya bishii June. Wuxuu sheegay inu waligiisba ku riyoon jiray inuu mar uun u dheela kooxda qaranka

“Waxay ahayd riyo ii rumowday. Waa riyada qofkastoo dhallinyaro oo ku koray Gahan uu qabo“

Wuxuu sheegay in ciyaaryahanka dhexda ka ciyaaro Emmanuel Agyemang-Badu, kaas oo lala sawiray sanadkii tagay asigoo xiran dharka booliska markii uu waardiyaha ahaa in uu aad u taageeray, inkastoo Agyemang-Badu uusan hadda kooxda ka mid ahayn”.

XIGASHO-BBCSOMALI

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: