HomeUncategorized

Wasiirkii hore ee Dastuurka Soomaaliya oo beeniyey in uu jiro is bedel lagu sameeyey Dastuurka dalka

Nairobi, Aug 7, 2013 - Wasiirkii hore ee Dastuurka Dowladii KMG ahayd haatana ah mudane ka tirsan Baarlamanka Jamhuuriyda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka hadlay arrimaha eedaymaha.

Khasaare xoogan oo ka dhashay dagaalkii Kismayo, iyo xaalad cabsi leh oo wali ka taagan.
Puntland oo agabyo waxbarasho oo asaasi iyo KMG ah u dirtay dugsiyo waxyeeloobay (dhegeyso)
3 qof oo ku dhaawacmay is rasaasayn maanta ka dhacday magaalada Buuhoodle.

Nairobi, Aug 7, 2013 – Wasiirkii hore ee Dastuurka Dowladii KMG ahayd haatana ah mudane ka tirsan Baarlamanka Jamhuuriyda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka hadlay arrimaha eedaymaha ka soo baxaya arrimaha Dastuurka dalka.

Cabdiraxmaan Xoosh oo la hadlayey idaacada VOA wuxuu si cad u beeniyey in is-bedel lagu sameeyey Dastuurka Soomaaliya ee haatan lagu shaqeeyo, wuxuu sheegay in ay sii kordhayaan eedaha ka imaanaya in wax laga bedelay Dastuurka.

? Ma jirto in Dastuurka wax laga bedelay, waxaa lagu shaqeeyaa kii saxda ahaa ee la wadda ogsoonaa, waan la socdaa in dadka qaar ay shaki weyn ka qabaan in Dastuurka la fara-geliyey? ayuu yiri Xoosh.

Docda Cabdiraxmaan Xoosh wuxuu xusay in Dastuurkaan uu yahay mid sugaya ?in loo qaado afti qaran, isla markaasna wuxuu si cad u sheegay in saxiixayaashii Road Map-ka ay ahaayeen kuwa siyaasadeed balse arrimaha Dastuurka ay u yaalaan? shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhowr jeer ku cel-celiyey in wax laga bedelay dastuurka Federaalka ah ee Soomaaliya kaasi oo si KMG ah loo ansixiyey sanad ka hor, iyadoo lagu soo doortay madaxda dalka ee haatan joogta.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: