Gadiid u rarnaa hay?ada cunada aduunka ee WFP oo xalay lagu gubay deeganada Gobolka Bari

Yalho, Aug 7, 2013? ? Wararka laga helayo dhulka buuralayda ah magaalada Bossaso ayaa sheegaya gaadiid u raranaa hay?adda cunnada adduunka ee WFP in lagu gubay meel u dhaw tuulada Yalho oo ku taalla jidka laamiga ah, qiyaastiina magaalada Bossaso u jirta illaa 45KM, ugana beegan dhinaca koonfureed.

Wararku waxay intaas ku darayaan baabuurta la gubay in ay ahaayeen kuwa xamuulka qaada ee Candho-meydlaha loo yaqaanno, kuwaasi oo ahaa labo gaari, sidayna raashin ay lahayd hay?adda WFP, sidaasna waxaa Radio Daljir u xaqiijiyey saraakiil hay?addaasi ka tirsan iyo mas?uuliyiin dawli ah.

Baabuurta la gubay iyaga iyo xamuulkii saarnaaba ayaa ka soo baxay magaalada Bossaso, iyagoo ku sii jeeday magaalada Galkacyo, waxaana lagu hakiyey jidgooyo taallay waddada laamiga ah, meel u dhaw tuulada Yalho habeenimadii xalay, iyagoo kadibna loo weecshay jiho kale, dabna la qabadsiiyey.

Ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo illaa haatan la soo sheegay, si rasmi ahna looma yaqaanno cidda ka dambaysay gubista gaadiidkaasi iyo xamuulkii ay wadeen, hase ahaatee mas?uuliyiin ka tirsan Puntland oo uu la xiriiray Radio Daljir ayaa sheegay in la rumaysan yahay weerarkaasi in ay gaysteen Al-shabaabta buuralayda Galgala.

Tallaabadaan ayaa ah mid ugub ah, waana markii ugu horraysay oo sidaan oo kale dab loogu qabadsiiyo deegaannada Puntland, gaadiid u rarnaa Qaramada Midoobay.

?

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir. ?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com