HomeUncategorized

Wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga ee DFKM oo goor dhawayd u dhintay dhaawac galabta soo gaadhay

Caption ...

Warbixin-Madaxweynaha Puntland oo soo afmeeray safarkiisii Bari iyo Karkaar.
Baahin: Arbaca, Apr 11, Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossaso. Beeldaaje Faarax X. C/llahi oo lagu aasay Bossaso; 3 qof oo 2 ka mid ahi ay caruur yihiin oo ku geeriyooday shil gaari duleedka Garowe; M/weyne Shariif oo booqday fariisimo ay ciidamada dawladu ku leeyihiin gobollada Sh. Dhexe & Dh. Dhexe; Guddiga dastuurka ee baarlamaanka federaalka oo soo dhaweeyey in doorasho la qabto dhamaadka April.
Tartan kubadda cagtaa oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo(Sawirro)

Mudisho, 10 June- Alle ha u naxariistee waxaa goor dhawayd cusbitalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ku dhintay wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga ee DFKMS C/shakuur Xasan Faarax, kaddib dhaawac ka soo gadhay qarax lagula beegsaday gurigiisa.

Eebbe ha u naxariistee wasiir C/shakuur Xasan Faarax ayaa galabta ay isku miidaamisay gabadh uu adeer u ahaa oo maalmihii ugu dambeeyey gurigiisa ku noolayd, taasoo si lama filaan ah iskugu miidaamisay.

Ismiidaaminta noocan ah ee ay adeegsatay haweeney isla markaana lala beegsaday wasiir ka tirsan DFKMS ayaa ah tii ugu horreeyey.

Tan iyo imika ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay weerarkan ismiidaanta ah, waxase laga fili karaa ururka Alshabaab oo dagaal kula jira dowladda, horena weeraro ismiidaan ah ugu dilay wasiirro, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: