HomeUncategorized

Wasiirkii arrimaha gudaha & amniga ee dawlada federaalka oo qarax lagu dilay; Al-shabaab oo sheegtay qaraxaasi.

Caption ...

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyay Sharciga wax ka Qabadka Miinda iyo Walxaha Qarxa
Wacaal daray ah ::: 2 wariye oo Faransiis ah oo ku xiran Bossaso, lana masaafurinayo. [Akhris …]
Booliska Kenya oo xadka ay la wadaagaan dalka Uganda ku xiray ku dhawaad 10 qof oo Soomaali ah.

Muqdisho, June 10 – Allaha u naxariistee waxaa caawa (Jimce) ku geeriyooday magaalada Muqdisho wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dawladda federaalka ah C/shakuur Sh. Xasan Faarax oo galabta ku dhaawacmay qarax is miidaamin ah oo lagu qaaday gurigiisa; qof dumar ah oo la sheegay in ay ka mid ahayd ehelada wasiirka ayaa la sheegay in ay gaysatay dilka marxuumka.

Wasiirka oo qaba dhaawacaasi halista ah ayaa loola cararay cisbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu wax yar kadibi ku geeriyooday.
Afhayeen u hadlay ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay iyagu ka dambeeyeen qaraxaasi lagu dilay wasiirka.

Qaraxa kadib waxaa guriga wasiirka isku gadaamay ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom, waxaana halkaasi laga soo ururiyey xubnaha jirka ee haweeneydii is qarxisay oo aad u googo?day; waxaana ay dawladdu ku tilmaantay qaraxan mid arxan darro ah, ayna si kulul u cambaaraynayaan.

Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dawladda ayaa horay loogu dilay qaraxyo is-miidaamin ah kuwaas oo ay ka mid ahaayeen qaraxyadii ka dhacay hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho iyo magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan.

Axmed Sh. Max?ed ?Tallman?
Radio Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: