Diidmada is-casilaadda R/wasaare Farmaajo oo sii kordhaysa iyo ciidanka millateriga federaalka oo ku goodiyey Af-ganbi.

Muqdisho, June 10 – maalintii labaad ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka socda bannaanbaxyo baaxad oo lagu diidan yahay is-casilaadda R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed ‘Farmaayo’.

Bannaanbaxyado oo ka dhacay dhammaan degmooyinka ay dawladdu maamusho ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qayb-galayey kumanaan dadweyne ah oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada sida aqoonyahanno, siyaasiyiin, cuqaal-dhameed, culimo-awdiin, haweenka iyo ardada iskuullada Muqdisho.

Isku soo baxyadaan Muqdisho ka socda maalintii labad ayaa ah kuwo lagu diidan yahay loogana soo horjeedo is-casilaadda R/wasaare Farmaayo kaddib markii shir maalmo badan qaatay oo ka dhacay Kampla, laguna dhex-dhexaadinayey madaxda dawladda federaalka ay ka soo baxeen go’aamo ay ka mid yihiin in uu meesha banneeyo Farmaayo.

Dadweynaha bannaanbaxa dhigaya ayaa ku dhawaaqaya hal-ku-dhigyo miisaan leh oo ay ku cabirayaan dareenkooda iyo damacooda rabitaan iyagoo dhinaca kale iftiiminaya tallaabooyinkii wax-qabad ee xukuumadda Farmaayo ay ku tallaabsaday illaa iyo intii la magacaabay. taasoo dibad-baxayaashu ay u arkaan in ay muhiimd weyn lahayd.

Dhinac kale saraakiil sar sare oo u hadlay ciidamada millatariga dawladda federaal KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in aysan ka dhaadhacayn is-casilaadda R/wasaare Farmaajo iyagoo ku goodiyey haddii taasi ay dhacdo in ay qaadan doonaan tallaabo ciidan oo micnaheedu yahay af-gambi dawldeed.

Sikastaba ha ahaatee xaalad kacsanaan ah oo aad u xooggan ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho taasoo ka abuuran tahay natiijadii wadahadalladii Yugaandha ee lagu heshiisiinayey m/weynaha iyo guddoomiayaha baarlamaanka, mana cadda halka ay arrimuhu ku biyo shuban doonaan.

Diiwaanka warar,
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com