Wasiirki hore Kaluumaysiga Puntland oo Garoowe ku geeriyooday

AUN Afhayeenkii hore ee barlamaanka Puntland soona qabtay xilal wasiirnimo Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa saaka ku geeriyooday Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa wararku sheegayaan inuu si kedis ah u xanuunsaday habeenkii xalay ahayd, isla markaasna goor dhaw uu ku geeriyooday magaalada Garoowe, isagoo la doonayay in loo qaado magaalada Muqdisho.

Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi wuxuu kamid ahaa Asaasayaashii Puntland, wuxuu soo noqday Xildhibaan, Gudoomiye baarlamaan iyo Wasiirkii ugu dambeeyey ee wasaaradda Howlaha guud oo uu xilka wareejiyey sadex bilood kahor markii laga guuleystay Xukuumadiisii.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com