Madaxda maamul goboleedyada dalka oo ku shiraya Nayroobi iyo Beesha Caalamka oo ka soo qaybgalaya

HomeWararka

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo ku shiraya Nayroobi iyo Beesha Caalamka oo ka soo qaybgalaya

Wararka naga soo gaaraya mahaalada Nayroobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu shir uga furmi doono maalinta berri ah madaxda maamu

Warka Fiidnimo iyo Wariye Xasan Haykal, Daljir Bossaso
Madasha Daljir: Xoojinta nabadda, isdhexgalka bulshada & wadashaqeynta maamulada Gobolka Mudug
Saaka & Dunida iyo Najiib Zaki, Daljir Qardho (dhegayso)

Wararka naga soo gaaraya mahaalada Nayroobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu shir uga furmi doono maalinta berri ah madaxda maamul goboleedyada dalka.

Madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya laguma casuumin shirkan oo ay ka soo qaybgali doonaan xubno sarsare oo beesha caalamka ka socda.

Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya u fadhiya ayaa sheegay in hada kaddib uu dowlad goboleedyada ula macaamilayo si gaar ah oo wixii taakulayn uu maraykanku siinayo Soomaaliya si toos ah uu ugala xiriirayo cidda ay ku socoto taakulayntu iyadoon magaalada Muqdisho la marin, taas oo macneheedu yahay in la soo celiyey qaabkii ay Beesha Caalamku ula macaamiili jireen Soomaaliya xilligii xukuumadihii kumeelgaarka ahaa.

Kulanka ka furmi doona Nairobi wuxuu bilow u yahay iskaashi cusub oo u muuqda mid aysan Xukuumada Federaalka Soomaaliya qayb ka ahayn.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: