Wasiirka warfaafinta ee dawlada federaalka ah oo aqoon-isweydaarsi u furay suxufiyiin.

Muqdisho ? Jan 08 – Aqoon-isweydaarsi soconaya muddo lix maalmood ah ayaa xarunta Wasaaradda uga furmay illaa 30 suxufi oo kala socda warbaahinta dowladda iyo kuwa gaarka ah. Waxaa siminaarkan taageeraya Wasaaradda Warfaafinta, Boostaha iyo Isgaarsiinta, Md. Cabdulkariim Xassan Jaamac.

Aqoon-isweydaarsiga oo ay soo qabanqaabisay Xafiiska Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, isla markaana laga maalgelinayo Sanduuqa Carabta ee Taageerada Farsamo ee Dalalka Afrikaanka ah, waxaana hirgelinaya Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed. Ujeeddada siminaarka waxay tahay sidii loo dhisi lahaa awoodda iyo xirfadda saxafiyiinta iyo sidii loola socodsiin lahaa mas?uuliyadda ay leedahay xirfadda saxaafadda.

Isagoo furaya aqoon-isweydaarsiga, wuxuu Wasiirka ku boorriyay saxafiyiinta inay markastaba la socdaan farsamooyinka cusub, isla markaana yeeshaan aragti fog, isagoo kula dardaarmay saxafiyiinta inay noqdaan kuwo aqoon badan leh oo ixtiraam iyo sharaf ku dhex leh bulshada.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in tababarka saxafiyiintu aad muhiim u yahay, oo aysan weriyeyaashu mas?uuliyaddooda si habsami leh uga gudan karin haddii aysan tababar helin.

Wasiirku wuxuu yiri: ?Waxaan idinku waaninayaa inaad daacad u noqotaan xirfaddiina, aadna sare u qaaddaan sharafta iyo muuqaalka dalka. Wasaaraddu waxay si joogto ah u qiimeyn doontaa baahida loo qabo mustaqbalka barnaamijyo tababarr ah.?

Wasiirku wuxuu u mahadceliyay Xafiiska Soomaliya iyo guud ahaan Jaamacadda Carabta inay xil iska saareen sidii loo dhisi lahaa awoodda xirfadleyda Soomaaliyeed, iyadoo saxafiyiintuna liiska meesha sare kaga jiraan maadaama ay dowr muhiim ah ku leeyihiin nabadda iyo dib-u-dhiska dalka.

?Aqoon-isweydaarsigan wuxuu xoojinayaa kaalinta Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya xilligan Soomaalidu baahi ka qabaan dhinac kasta. Waxaan rajeynayaa inuu billow cusub u noqdo howlo badan oo Jaamacadda Carabtu ka fuliso Soomaaliya.?

Il – Wasaarada warfaafinta,
Cinwaan: MIPT Headquarters, near Villa Somalia, Mogadishu, Somalia
Tel: +252-50-941 040
Email: [email protected]

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com