Wasiirka Maaliyadda Puntland oo booqday Xarunta wasaarada ee Gaalkacyo (Sawiro)

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo booqday Xarunta wasaarada ee Gaalkacyo (Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda ayaa kormeerkan shaqo waxaa ku weheliyay Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Xasan Cali Samatar

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug iyo Masuuliyiinkale ayaa Wasiirka iyo madaxdii kale ku soo dhoweeyay Xarunta Wasaaradda.

kormeerkan ayaa ahaa isbarasho iyo ogaanshaha shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ka hawal gala Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa booqday Xafiisyada Wasaaradda aydoo shaqaalahu ku guda jireen shaqo maalmeedkii shaqada waxana xog dheeraad ah ka bixiyay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesay

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan dheeraad ah oo ku aadan shaqada laqaatay madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com