Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Daljir uga waramay canshuurta lagu soo rogay badeecadaha ka yimaada Somaliland (dhegayso)

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Daljir uga waramay canshuurta lagu soo rogay badeecadaha ka yimaada Somaliland (dhegayso)

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in 200% canshuur ah lagu soo rogay badeecadaha aan daruuriga ahayn ee Puntland uga yimaada Somaliland, wareegtadaasi oo shalay soo baxday ayaa noqotay mid siwayn u bogaadiyeen shacabka Puntland.

Wasiirka oo la waydiiyay ma jirtaa alaab Puntland ka tagta oo Somaliland la geeyo ayuu sheegay in ganacsatadu u cadeeyeen in biyaha Puntland lagu sifeeyo in Somaliland ay saarto canshuuro dheeri ah ama ay dib usoo celiyaan, waxaa kale oo uu xusay in aysan hadda jirin waxsoosaar ganacsatada Puntland ay u iibgeeyaan Somaliland.

Xasan Shire ayaa ayaa sheegay go’aanka canshuurta lagu kordhiyay in ay tahay mid lagu ilaalinayo ganacsatada Puntland, ganacsatada labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ayuu sheegay in uu muhiim uu u yahay go’aankan.

Waxaa waraystay Xasan Jaylaani Cali Heykal.

Hoos ka dhegayso oo kaga bogo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com