Wasiirka caafimaadka Puntland oo kala diray maamulkii iyo guddigii caafimaadka ee cisbitaalka Galkacyo.

Galkacyo, May 16 ? Wasiirka caafimaadka dawladda Puntland Dr. Cali C/llaahi Warsame ayaa maanta si rasmi ah u kala diray maamulkii iyo guddigii caafimaadka ee cisbitaalka guud ee magaalada Galkacyo, kuwaasi oo in muddo ah soo shaqeenayey.

Wasiirka ayaa intii uusan kala dirin maamulka cisbitaalka booqday dhammaan qaybaha cisbitaalku ka kooban yahay, waxaana kaddib uu shir jaraa?id ku qabtay hoolka shirka ee cisbitaalka guud ee magaalada Galkacyo, halkaasi oo uu kaga dhawaaqay qorshaha wasaaraddiisa ee ku aaddan cisbitaalka guud ee magaalada Galkacyo.

Wasiirku waxaa uu shirkiisaas jaraa?id uu ku sheegay gabi ahaanba cisbitaalka in uu yahay mid dunsan oo dhankasta ka burburay, isla markaana aysan ka jirin wax adeeg caafimaad ah oo xilligaan ka socda.

Dr. Cali C/llaahi Warsame, waxaa uu sheegay dhismaha cisbitaalka in uu yahay mid burbursan oo aan helin wax dayactir wixii ka danbeeyey markii la dhisay nus qarni ka hor, wuxuuna dhanka kale caddeeyey wax agab caafimaad ah in aysan oollin cisbitaalka, sidaas darteenna uu go?aansaday in uu kala eryo maamulkii cisbitaalka iyo guddigii caafimaadka intaba.

Dhanka kale wasiirku, waxaa uu sheegay si deg deg ah in uu u soo dhisi-doono maamulka xooggan oo awood leh iyo guddi caafimaad ama boodh, kuwaasi oo wasiirku uu sheegay in lagu xulan doono aqoon iyo waayo aragnimo ay u leeyihiin dhanka caafimaadka.

Ugu danbayntiina wasiirku, waxaa uu sheegay in lala xisaabtami doono cidkasta oo lagu tuhmo in ay lunsaday hantidii dadweynaha ee loo qoondeeyey in wax loogu qabto dadka bukaanka ah ee ku dhaqan gobolka.

Goobta wasiirku uu hadalkaan ka jeediyey waxaa ku sugnaa xubno iskugu jiray maamulkii cisbitaalka, guddigii caafimaadka iyo shaqaalihii ka hawlgali jiray cisbitaalka, waxaana kala diridda maamulkii hore ee cisbitaalka iyo ku dhawaaqida samaynta maamul cusub oo cisbitaalku yeesho ay ka danbaysay muddo dheer oo hawlaha cisbitaalku ay ahaayeen kuwo gaabis ah.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com