Wasiirka arrimaha debeda Nederland iyo ganacsato ka socda waaxda tamarta oo booqday Soomaaliya

Muqdisho, October 28, 2013 – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta booqday wefdi ka socda dowladda Nederland, kuwaas ?oo ay horkacayso wasiirka arrimaha debeda ee dalkaas Lilianne Ploumen iyo ganacsato kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh maxamuud iyo wasiirka arrimaha debeda ee Nederland ayaa kulan ku wadda qataay xaruunta madaxtooyada, shirka? intiisa badan waxaa looga wada hadlay xiriirka labbada dal.

Madaxweyne xasan sheikh waxaa uu sheegay in dalka Nederland ay joogaan jaaliyad badan oo Soomaali ah, waxaa uu hadalkiisa ku sii daray in xiriirka Nederland iyo Soomaaliya uu yahay mid awood badan isla markaasna booqashada wasiirka ay qayb ka tahay kalsoonida caalamka ee Soomaaliya.

Labbada masuul waxay aad uga wada hadleen in dowladda Soomaaliya ay maal-gashi ku samaysato dalka Soomaaliya oo soo kabsanaya.

Docda kale wasiirka arrimaha debeda ee Holland ayaa sheegtay in dalkeedu uu ?xoojin doonaan xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya, ?iyo taageerada Nederland ee Soomaaliya oo noqon doonta mid balaaran.

Ganacsato ka socda adeegyada badda iyo kuwa tamarta ee dalka Nederland ayaa sidoo kale ku weheliya wasiirka safarkeeda Soomaaliya, ganacsatadu waxay la kulmi doonaan rugta ganacsiga Soomaaliya iyo wasaaradda ganacsiga ee dalka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com