HomeUncategorized

Booliska Masar iyo boqollaal arday ah oo ku mudaaharaadayey caasimadda Qaahira oo isku dhacay

Qahira, Oct ,29 - Ku dhowaad toban qof ayaa ku dhaawacmay caasimada dalka Masar ee Qaahira, kaddib markii rabshado hor lihi ay magaaladaas kasoo cusboonaadeen.

Marwo Caasha Geelle Diriye oo booqasho uga bilaabatay Boston, MA.
Dawladda hoose ee Galkacyo oo wadda qorshe lagu dayactirayo laamiga dhex mara magaalada.
Baahin: Salaasa, 8 Oct, 2013 -Caawa Iyo Daljir Weriye Xaliimo Sacdiya Cabdilaahi Cali~ Daljir ~ Garowe
Qahira, Oct ,29 – Ku dhowaad toban qof ?ayaa ku dhaawacmay caasimada dalka Masar ee Qaahira, kaddib markii rabshado hor lihi ay magaaladaas kasoo cusboonaadeen.?
?
Booliska ayey isku dhaceen boqollaal arday ah oo ka tirsan kuwa wax ka barta Jaamacadda Al-azhar, kuwaas oo ku bannaan baxayey fagaaraha Raabicatul Cadawiyah ee bariga magaalada Qaahira.
?
Ardyada ayaa ku dhaawaqayey ereyo liddi ku ah xukuumadda kumeel gaar ah ee dalka Masar, iyagoo dhinaca kale dalbanayey in dib loosoo celiyo hay’adihii sharciga iyo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mursi.
?
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar, ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka oo adeegsanaya gaaska dadka kaga ilmeysiiyaa ay kala eryeen kooxo dhalinyaro ah oo lasoo abaabulay.
?
Mudaaharaadyo rabshado wata oo bilihii u dambeeyey gilgilay magaalooyinka waaweyn ee dalka Masar, waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad kun qof, iyadoo ay kumannaan kalena ku dhaawacmeen.
?
Diiwaanka wararka
Daljir Boosaso.
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: