Iiraan oo xeebaha Soomaaliya ku badbaadisay Markab xamuul oo ay beegsadeen Burcad badeeddu

Tehran, October 29, 2013 – Ciidamada badda ee dalka Iiraan ayaa badbaadiyey Markab kuwa xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalkaas isla markaasna marayey xeebaha gacanka cadmeed, dhowaan xili ay ay weerar ku qaadeen Burcad badeed wata doonyo dheereeya.

Wakaalada wararka dalka Isna ayaa baahisay in toddobo doonyood oo kuwa dheereeya ah lagu weeraray Markab kuwa xamuulka ah oo gooshayey xeebaha gacanka, Burcad badeeda ayaa doonayey in ay afduubtaan.

Ciidamada badda Iiraan ee ku jira howlgalka ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa ka war helay weerarka xiligaas oo ay ku dhowaayeen goobta uu Markabku marayey, Siyavush Jarreh oo ah hugaamiyaha howlgalka Iiraan ee xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in Burcad badeedu carareen.

Horaantii bishaan aynu ku jirno ayaa sidoo kale xeebaha Soomaaliya waxaa Burcad badeedu ku weerareen markab kuwa xamuulka oo laga lahaa isla Iiraan, balse ?howgalka aya badbaadiyey sida lagu sheegay warka wakaalada.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka digtay in ay soo noqoto awoodii Burcad badeeda barriga Afrika oo is dhintay sanadkan ilaa sanadkii hore, agaasimaha guud ee hay?ada la dagaalanka Burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Ducaysane ayaa isna sheegay weerarada Burcad badeedu in ay dhacaan balse aysan waxba afduuban xiligan la joogo.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com