Wasiirka amniga Puntland “Hanjaabaddii Daacish way dhamaatay hadda iyagaa ayaa la beegsanayaa” (Daawo)

Wasiirka amniga Puntland “Hanjaabaddii Daacish way dhamaatay hadda iyagaa ayaa la beegsanayaa” (Daawo)

Wasiirka amniga Puntland cabdisamad Maxamed Gallan ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta  Daljir waxaa uu ku sheegay inay dowladda Puntland la kaashan doonto la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish, cidkasta oo gacan ka siin karta.

Wasiirka ayaa sheegay in hormaro laga gaaray howlgalada ammaanka lagu sugayo ay ka wadaan magaalooyinka Puntland.

Wariyaheena Mohamoud Abdi Ibrahim oo waraystay ayaa wax ka waydiiyay arrimaha ammaanka, baaristii dilkii Paul, duqayntii Mareykanka ee hogaamiye kuixgeenkii Daacsish, dhaqan galka go’aanka lagu mamnuucayo ka ganacsiga hubka, istaafyada faraha badan ee madaxda la socota iyo ciidamada oo wali aan lagu guulaysan in qorshe lagu tirakoobayo lagu sameeyo.

Wararka sheegaya in garroonka Bosaso saldhig ciidamada inay ka dhex samaystaan ciidamada Mareykanka uu maalgeliyo, iyo saamaynta garroonka ay ku keeni karto maadaama uu yahay garoon shacab iyo arimo kalle.

Hoos kadaawo

Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa waraysi uu siiyay radio Daljir waxaa uu ku sheegay inay dowladda Puntland la kaashan doonto la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish, cidkasta oo gacan ka siin karta mar uu ka hadlay duqayntii Mareykanka uu ku dilay hogaamiye kuxigeenkii kooxda Daacish oo lagu dilay gantaal ay ku dhufteen gaarigiisa taliska Mareykanka ee Afrika.Wasiirka ayaa sheegay in hormaro laga gaaray howlgalada ammaanka lagu sugayo ay ka wadaan magaalooyinka Puntland.Wariyaheena Mohamoud Abdi Ibrahim oo waraystay ayaa wax ka waydiiyay arrimaha ammaanka, baaristii dilkii Paul, duqayntii Mareykanka ee hogaamiye kuixgeenkii Daacsish, dhaqan galka go'aanka lagu mamnuucayo ka ganacsiga hubka, istaafyada faraha badan ee madaxda la socota iyo ciidamada oo wali aan lagu guulaysan in qorshe lagu tirakoobayo lagu sameeyo.Wararka sheegaya in garroonka Bosaso saldhig ciidamada inay ka dhex samaystaan ciidamada Mareykanka uu maalgeliyo Puntland, iyo saamaynta garroonka ay ku keeni karto maadaama uu yahay garoon shacab iyo arimo kalle.Hoos kadaawo

Posted by Radio Daljir on Sunday, April 28, 2019

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com