Wasiir Jamaal oo kulan la qaatay Hay’adaha Caalamiga ah ee howlgala Soomaaliya (Sawiro)

HomeWararka

Wasiir Jamaal oo kulan la qaatay Hay’adaha Caalamiga ah ee howlgala Soomaaliya (Sawiro)

Wasiirka, Xoghayaha joogtada ah, Agaasimaha iyo la taliyaha dhinaca Howlgalka Bahwadaagta Soomaaliya ahna Maareeyaha Qorshaha Qaranka ee Wasaaradda Qo

Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan go’aankii lagu Mamnuucay Shirkadda DP Wolrd (dhegayso)
Xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlay khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada
Wasaaradda Warfaafinta Somaaliya oo Muqdisho ku qabatay shir wadatashi ah

Wasiirka, Xoghayaha joogtada ah, Agaasimaha iyo la taliyaha dhinaca Howlgalka Bahwadaagta Soomaaliya ahna Maareeyaha Qorshaha Qaranka ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa maanta kulan wada-tashiga wareegga labaad ee Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka la qaatay Hay’addaha caalamiga ah iyo Safaaradaha Soomaaliya ka howlgalla.

kulanka oo muhiimad gaar ah u lahaa labada dhinac ayay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ku soo bandhigtay warbaxin ku aaddan geeddi socodka qorista Qorshaha horumarinta Qaranka 9-aad iyo qaybo ka mid ah qoraalka wareegga koowaad ee Qorshaha sida uu uga qabsoomay Dalka, kaas oo ay ka soo baxeen saddex ahmiyad oo waaweyn oo kala ah Siyaasad loo dhanyahay, kobaca Dhaqaalaha, Amniga iyo Sareynta Sharciga.

Bahwadaagta Soomaaliya ayaa bogaadiyay Shaqada Wasaaradda Qorsheynta Dalka ay ka waddo iyo sidii looga mira-dhin lahaa hiigsiga dalkeenna.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: