khayre oo kormeeray Ciidamo loo diyaariyeey la dagaalanka Alshabaab

HomeWararka

khayre oo kormeeray Ciidamo loo diyaariyeey la dagaalanka Alshabaab

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tabab

“WAXKASTA WAA KA DAYACANAHAY, XATAA WELI BUUGAAGTII SOMALILAND BAAN WAX KA DHIGNAA”
Guddiga doorashooyinka madaxa Banaan oo Beesha Caalamka Fariin u diray
DAREEN 30aad: Abaarta SIMA iyo Saamaynteeda (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, loona diyaariyay howl- gal argagaxisada looga saarayo deegaannada shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan.

Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horay sidaan oo kale loo tababaray kadibna xoreeyay oo nolosha dib ugu soo celiyay deegaanno horay argagaxisadu shacabka ugu gumaadi jireen.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in xaquuda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in gallada cadawga lagula dagaalayo ee hadda loo diyaariyay ay si joogta ah u wadaan inta dalka oo dhan laga xoreynayo argagaxisada.

Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidamadaan waxaa hogay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo argagaxisada looga xoreeyay magaalooyin ay uga sugnaayeen dalka, halkaas oo ciidanku ay ka hir geliyeen dhaqanno wanaagsan iyo is-dhex gal bulsho oo horseeday in ciidanka iyo bulshadu ka wada shaqeeyaan horumarinta nabad-gelyada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: