Wasiir Goodax oo Bahda waxbarashada kala hadlay saameynta Covid-19 ee waxbarashada Dalka

Wasiir Goodax oo Bahda waxbarashada kala hadlay saameynta Covid-19 ee waxbarashada Dalka

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare Cabdullaahi Goodax Barre.Ayaa habka adeegga casriga ah ee Internet (Zoom) kulan kula qaatay masuuliyiinta Dalladaha Waxbarashada Dalka.

Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Waxa uu warbixin ka siiyay dadaallada ay wasaaradda waxbarasha ugu jirto ka hortagga saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada waxa ayna ka wada hadleen Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare oo ay si lamid ah uga tala gelin doonaan dhammaan bahda waxbarashada qeybaheeda kala duwan.

“Waxaan maanta habka adeegga casriga ah ee Internet (Zoom) kulan kula qaatay masuuliyiinta Dalladaha Waxbarashada Dalka. Waxaan warbixin ka siiyay dadaallada wasaaradda ugu jirto ka hortagga saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada, waxaan ka wada tashanay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare oo aan si lamid ah uga tala gelin doonno dhammaan bahda waxbarashada qeybaheeda kala duwan”sidaas ayuu yiri Wasiir Goodax Barre

Wasaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka ayaa hore u fartay in la xero dhamaan goobaha waxbarshada dalka si looga digtoonaado Qatarta caabuqa Covid-19 ee kusii faafaya waxaana waxan sidoo kale ay dib u dhigtay Imtixaanaadkii dugsiyasa sare ee dalka

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com