Dowladda Federaalka oo bilowday baaritaan ku aadan diyaaraddii ku burburtay Bardaale

HomeWararka

Dowladda Federaalka oo bilowday baaritaan ku aadan diyaaraddii ku burburtay Bardaale

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday baaritaan ku aadan diyaaraddii shalay ku burburtay magaalada Bardaale ee Gobolka Baay, iyadoo natiijada b

Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
BASHIIR SHEEKH YUUSUF | KHABIIR DEEGAANKA WAX BADDAN KABARTAY IYO WAAYIHIISII SHAQO WARAYSI DHEER.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday baaritaan ku aadan diyaaraddii shalay ku burburtay magaalada Bardaale ee Gobolka Baay, iyadoo natiijada baaritaanka si degdeg ah loo shaacin doono.

Guddi khubaro ah oo ka socda Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa loo diray goobta ay ku burburtay diyaaradda, si ay u soo ogaadaan sababta ka dambeysay, haddii diyaaradda iskeed u burburtay iyo haddii la soo riday.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad ayaa sheegay in Lix ruux oo Soomaali iyo Kenyan ay ku dhinteen shilka diyaaradeed, inkastoo uu xusay in la helay meydadka shan ruux.

Shakiga ku aadan in diyaaradda la soo riday ayaa aad u soo xoogeysanaya, waxaana mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda Diyaaradaha African Express ay ku adkeysanayaan in diyaaradooda la soo riday.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: