Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland oo ka warbixisay halka uu marayo Talaalkii Xoolaha

Arbaco, September 02, 2015 (Daljir) — Guud ahaan sagaalka gobo lee Puntland ayaa waxaa kasocda tallaalka kahortaga cudurada Jadeecada iyo Furuqa xoolaha oo ay wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowladda Puntland gaarsiinayso 6 Million oo neef, oo kamid ah xoolaha Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha dowladda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan oo kahadlayey tallaalkaan ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo ayna dhammaan shaqaalahii caafimaadku gaareen deegaamada Miyiga ah.

Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegay in ujeedka tallaalku uu yahay sidii looga hortegi lahaa xanuunadaasi inay kusoo fididaan xoolaha Puntland, maadaama xuduudaha Puntland ay kasoo galaan xoolo ka yimaada Itoobiya, Kenya iyo deegaamo kale.

Dhanka kalena agaasimahaa ayaa sheegay inay siweyn ugu diyaar garoobeen munaasabadda ciidul Adxa oo xoolo badan ay ka dhoofaan dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, isagoona intaas ku daray in dhaqaatiir iyo shaqaale tababaran ay kujiraan maxjarada dalka.

By: Abdirashid

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com