Barlamaanka Jubbaland oo waqti Dheeri ah u Ogolaaday Madaxweyne Axmed Madoobe

Arbaco, September 02, 2015 (Daljir) —Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Jubbaland oo maanta kulan yeshay ayaa muddo kordhin ku sameeyeen wakhtiga uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam kusoo magcaabaayo golaha xukuumadda cusub.

Maadaama ay jiraan howlo badan oo qabasho u baahan ayaa mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland waxay muddada uu madaxweyne kusoo magcaabaayo xukuumadda cusub waxay ugu dareen 60-cisho oo dheeraad ah.

Dastuurka Jubbaland ayaa madaxweynaha waxa uu u ogol yahay in uu muddo 21-cisho gudahood ah kusoo dhiso xukuumadda cusub taas oo ka bilaabanaysa marka la dhaariyo waxayna baarlamaanka maanta ugu dareen 60-cisho oo dheeraad ah.

Muddada cusub ayaa ka bilaabanaysa 5-ta bishaan September oo ah wakhtiga uu ku eg yahay muddadii hore 21-ka cisho ahayd.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com