Wasaarada Ciyaaraha Puntland iyo xiriirka kubbada cagta oo ka wadda-hadalay Tababarada (Dhegeyso)

Galkacayo, Aug 11, 2013 – Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland ayaa dhowrkii toddobaad ee u dambeeyey ku mashquulsanayd sidii loo heli tababaro caalami ah oo dhanka ciyaaraha ah, xili ay wakhtigan tababaro kala gedisan ka socdaan Muqdisho, waxaana arintaasi ka wada hadlay xiriirka kubbada cagta iyo wasaarada.

Madaxda wasaarada ayaa sheegay in ay dadaal dheer u galeen sidii ay xiriirka kubada cagta uga dhaadhicin lahaayeen qorshaha ah in tababarada ka socda Xamar kuwa la mid ah lagu qabto Garoowe iyo Galkacayo, maadama ay yihiin goobo nabad ah isla markaasna laga heli karo adeegyo dhamaystirsan oo isboorti.

Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland Axmed Cabdalla (Tigaana) oo bilihii danbe ku sugnaa magaalada London ayaa maanta waraysi uu siiyay radio daljir, waxaa uu ku sheegay in Puntland ay xoogga saarayso sidii ay saamayn ugu yeelan lahayd hannaanka isboorti ?ee dalka Soomaaliya.

?Mudane Axmed Cabdalla wuxuu sheegay in ay dhowaan qayb ka noqon doonaan tababarada FIFA ee Muqdisho ka furmaya bartama bishan Augst, Tigaana ayaa sidoo kale tilmaamay in ay qurbaha ka wadaan sidii loo hormarin lahaa korna loogu qaadi lahaa isboortiga Puntland.

Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland waxay ku cel celisay in ay is bedel buuxa haatan sameyn doonto, Agaasimaha oo arrintaasi ka hadlay wuxuu sheegay in ay si siman wax ula qeybsan doonaan xiriirka kubbada cagta si jid wanaagsan loogu hago ciyaaraha Puntland.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Dhegeyso Weriye Silver oo Agaasimaha ka waraystay qorshaha cusub

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com