Waaxda hormarinta Briritan ee DFID oo ku eedeysay Al-shabaab in ay dheceen Gargaar bini?adanimo

London, Aug 11, 2013 – Dowladda Britian ayaa ku eedeysay kooxda Al-shabaab in ay dheceen Gargaar kala gedisan oo loo waday dadka Soomaalida ah ee dhibaataysan dhamaadkii sanadkii 2011 ilaa sanadkii hore.

Waaxda horumarinta caalamiga ah ee Britian DFID ayaa war-bixin ay soo saartay ku sheegtay in ay al-shabaab dheceen gargaar fara badan, kaas oo ay Britian ugu talo gashay in la siiyo dadka danyarta ah ee dhibaatooyinka hareeyeen, xili abaaro daran jireen wakhtigaas.

DFID war-bixinta ay soo saareen waxay sheegaysaa in ay kooxdu dhacday bakhaaro ay wax ku keydsan jireen hay?adaha ku xiran waaxda horumarinta caalamiga ah ee Britian, qiimaha lacageed ee uu gargaarku ku kacay ayaa ah ?480.000

Baaritaano qoto-dheer ayaa socday ilaa November 2011, wakhtigaasi oo ah markii ay kooxda Al-shabaab la bexeen gargaarka Briritan ee loogu tala galay dadka Soomaalida ee dhibaataysan, waxaana Britian ay markii ugu horaysay shaacisay xogta dhabta ah ee arinta oo aan horey loo ogeyn.

Britian waxay ka digtay khatarta kooxda Al-shabaab in kastoo aysan arrintaani ilaa hadda ka hadlin kooxda Al-shabaab ee lagu eedeyey in ay Gargaarka dheceen, dhowr jeer oo hore ayaa Al-shabaab waxay joojiyeen shaqada hay?ado gargaar oo ka howgelayey Soomaaliya.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com